30 African journalists met in Kenya including few journalists from overseas

These journalists are going to discuss the food and security issue as well as climate issue in Africa, this gathering was organised by  an International media network called Media21 Geneva based in Switzerland and supported by Biovision, WMO and ICIPE.

By Daud Abdi Daud in Somali.

Wariye-yaashan uu kulanku ufurmay ayaa waxa ay ka kala yimaadeen aduunka oo dhan, gaar ahaan waxaa intooda badan ay ka yimaadeen qaarada Africa, waxaana kulankani uu yahay mid ay si guud ahaaneed ugu eegayaan xaalada deegaanka iyo cimilada ee qaarada Africa.

Maalinimadii Talaadada ahayd taariiqduna ku beegneyd lixda (6) April ayaa si toos ah saxafiyiintani kulanku ugu biloowday, waxaana uu kafurmay magaalada Kisumu oo ah caasimada sadaxaad ee wadanka Kenya, waxaana ay sidoo kale booqasho ku tageen Degmada Mpita oo ay kutaalo Harada looyaqaan “Lake-Victoria”.

Kulankani waxaa Soomaaliya uga qayb galayay xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta deegaanka Soomaaliya ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan (NASSEJ) Mr. Daud Abdi Daud, waxana uu halkaasi ka jeediyay warbixin dheer oo uu uga hadlayo xaalada deegaanka Soomaaliya.

Qudbadii Mr. Daud waxa ay noqotay mid si weyn usoo jiidatay saxafiyiintii oo idil kadib markii uu si qotodheer uga hadlay arimaha burcad badeeda iyo sunta lagu shubayo biyaha Soomaaliya.

Wariye-yaasha ayaa sidoo kale waxa ay socdaal kusoo mareen dhowr beerood oo kuyaala Degmada Mpita ee wadanka Kenya, kadib markii hay’ada ICIPE oo iyadu ahayd marti galiyihii socdaalka wariye-yaasha maalmihii talaadada iyo isniinta.

Dhaqtar udhashay wadanka Hindia oo lagu magacaabo Dr. Khan kana tirsan hay’ada ICIPE ayaa ku wehliyay socdaalka wariye-yaashu ay kumarayeen halkaas unasharaxayay xaalada beeraha.

Maal mihii kale ee Arbacada iyo Qamiistii waxaa wariye yaasha socdaalka ku wehliyay madax kasocota haayada Bio-vision oo iyaduna labadaasi maal mood ahayd haayada bixineysay dhamaan tasiilaadka kubaxaya wariye yaasha.

Isu imaatinkan wariye-yaasha ayaa ahaa mid ay soo qaban qaabisay haayad saxaafadeed oo lagu magacaabo Media21Geneva fadhigeeduna yahay wadanka Switzerland, waxaana lagu wadaa in uu socdo mudo toban casho ah waxaana maalmaha danbe lagu wadaa in wariye-yaashu ay ka qayb galaan shirka wasiirada Metronologiga ee qaarada Africa oo kadhici doona magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Dhamaan wariye yaasha oo tiradoodu gaareyso 38 wariye ayaa haatan dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya si ay uqaataan markale tababar socondoona mudo sadax casho ah kadibna waxa ay sitoos ah utabin doonaan shirka waziirada qaarada Africa ee Metronologiga oo kafurmi doona wadanka Kenya maalinta arbacada ah ee taariiqduna kubeegantahay 14 April.

Waxii faah faahin intaa dheer fadlan laxiriir ciwaanada hoos kuqoran ama booqo:

Email: newsletter@nassej.org

Web: http://www.nassej.org

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s